Kulamo adag oo Xalay Kisaayo ku dhexmaray wafdiga DFS & Maamulka Jubba

Wafdiga_gaaray_Kista_2Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Xalay aqalka Madaxtooyada Maamulka Jubba uu ka dhacay Kulan aad u adag oo ay wada yeesheen Wafdiga DFS ee shalay halkaas gaaray iyo maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, kulamada oo qaatay waqti saacado badan ayaa markii danbe laysku mari waayay, waxana inta badan diirada lagu saarayay 2 qodob.

Labada qodob oo ahaa kuwo ay wateen wafdiga DFS ee uu hogaaminayay Wasiira A.Gudaha, ayaa waxa kala ahaayeen in Maamulka Jubba uu aqbalo shirka dib u heshiisiinta ee ka dhacaya Muqdisho iyo ciidanka dowladda ee ku sugan duleedka Kismaayo, gaar ahaan Goobweyn sidii loogu biirin lahaa kuwa Maamulka Jubba.

Arrinta muranka weyn dhalisay ayaa waxaa ka mid ah xaalka Col. Barre Hiiraale oo dowladda Soomaaliya dooneyso in loo soo qaado Muqdisho, lana soo marsiiyo Kismaayo, iyadoo taaas uu aad uga soo horjeestay maamulka Jubba.

Axmed Madoobe, oo ah M/weynaha maamulka Jubba ayaa sida la sheegay si aad ah uga biyo diiday qodobka ku aadan in Ciidamada DFS ee ku sugan duleedka Kismaayo iyo Barre Hiirale lasoo galiyo magaalada Kismaayo, waxa uu sheegay in Ciidamadaas aaney ahayn Ciidan doowladeed, waxaana uu ku eedeeyay ineey xiriir dhow la leeyihiin Al-shabaab maadaama deegaanka Goobweyn ee ay ku suganyihiin soo maraan shabaab mar walbo weerar kusoo qaada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa diiday in Barre Hiiraale Kismaayo lugaha loo soo geliyo, isla markaana cidii daneyneysa ay Markab, ama doon iyo diyaaradba kaga qaado meel kale oo aan Kismaayo aheyn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shirka Dib u Heshiisiinta meesha ugu mudan ay tahay inuu ka dhaco Kismaayo, maadaama ay dhibaato ka dhacday, mana jirto buu yiri baahi kale oo ah in Muqdisho lagu qabto.

Maanta ayaa lagu wadaa in labada dhinac ay isugu yimaadaan wadahadalo kale, waxaana muuqata kala fogaansho aad u xoogan oo labada dhinac u dhaxeysa taasoo loo badinayo inuu fashil kusoo dhamaado shirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here