Kulamadi galabta ee Horyaalka Ingiriiska

Kooxda Chelsea ayaa guul muhiim ah kala soo laabatay ciyaar adag oo ay galabta kusoo ciyaartay garoonka Emirates Stadium naadiga Arsenal.

Guusha Chelsea ayaa ka dhigan in ay sii adkeysay hogaanka horyaalka Ingiriiska ee Premier League, sidoo kalana ay Arsenal soo xareysay guuldaradi ugu horeysay ee xilli ciyaareedkaan tartanka Ingiriiska.

Kabtanka Chelsea captain John Terry ayaa ciyaarta ku bilowday isaga oo talada ku deystay inuu racfaan ka qaadan doono afar kulan oo laga mamnuucay ciyaaraha iyo ganaax lacageed oo gaaraya £220,000 marki lagu helay danbiga ah midab takoor uu ku sameeyey daafaca kooxda QPR  Anton Ferdinand.

Tery door weyn ayuu ku lahaa guushi ay maanta gaartay kooxdisa maxaa yeelay isaga ayaa kasoo shaqeeyey goolki Torres uu dhaliyey bilowgi ciyaarta, halka goolki guusha ee ay Arsenal iyada iska dhalisay gaar ahaan Laurent Koscielny uu isagu gadaal ka joogay.

Goolka calanka Arsenal waxaa dhaliyey ciyaaryahan Gervinho oo shuut ku shubay shabada Chelsea, laakin guusha waxaa ay Chelsea gaartay marki uu bilisyoone uu soo laaday Mata uu isaga isku qaloociyey Koscielny.

Ciyaaraha kale ee galabta dhacay kooxuhu waxay isu arkeen sidan:
September 29
FT    Arsenal    1 – 2    Chelsea
FT    Everton    3 – 1    Southampton
FT    Fulham    1 – 2    Manchester C.
FT    Norwich C.    2 – 5    Liverpool
FT    Reading    2 – 2    Newcastle U.
FT    Stoke C.    2 – 0    Swansea C.
FT    Sunderland    1 – 0    Wigan Athletic.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here