Kulamada caawa ee koobka Yurub

Waxaa caawa lagu wadaa in la ciyaaro kulamo ka tirsan koobka kooxaha horyaalada Yurub lugta labaad ee wareega 16-ka.

Ciyaarta ugu adag ayaa dhexmari doonta kooxaha Arsenal iyo AC Milan, iyadoo Arsenal ay shaqo adag sugeyso waayo lugti hore ayaa waxaa lagu soo garaacay 4-0.

Macalinka Milan Massimiliano Allegri ayaa ku celiyey in kooxdiisa aysan is dhigan doonin oo ay ciyaari doonto kulan adag marka ay wajahdo caawa kooxda Arsenal.

“Waxaan ciyaari doonaa kulan adag oo taxadir badan leh, waxaanu heysnaa gacanta sare, laakin waa in aan garoonka galnaa sidi aan u ciyaarnay lugti hor, amaba kasii fiican,” ayuu yiri.
Dhanka kale Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ka hadlay kulanka caawa, isaga oo sheegay fursadooda usoo bixitaanka wareega 8-da in ay tahay boqolkiisa shan %5.

“Waxaan dhahay in aanan ku nooleyn aduunkaan riyada ah, taasi micnaheedu waxa weeyaan in aanan abuurin xaalad fudud laakin marka aad tahay koox sare oo dagaalami kato wax uun waad qaban kartaa laakin rajadeenu waa boqolkiiba shan,” ayuu yiri Wenger oow wareysi siiyey wargeyska  Telegraph.

Milan ayaa ku badisay is aragi hore 4-0, waxaana hadii ay Arsenal dooneyso in ay caawa soo gudubto ay u baahnaan doontaa in ay ku badiso 5-0 laakin waa arrin aanan fududeyn.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.