Ku xigeenkii Gudiga Amniga Xerada Xagardheer oo xalay la dilay

Kooxo hubeysan ayaa xalay gurigiisa oo ku yaala xerada Xagar Dheer ee dalka Kenya ku dilay ku xigeenki madaxa amaanka ee xerada.

Ninkaan oo sida la sheegay si weyn loogaga yaqaanay xerada qaxootiga xagar Dheer oo ku taala gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya waxaa dhaawac halis ah u geystay laba nin oo sida la sheegay ku hubeysnaa bistoolado kuwaasi oo marki ay dileen goobta ka baxsaday.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dadka qaxootiga ah ee  ku jiro xerada lasoo gudboonaatay cabsi xoog leh maadaama lagu bilaabay dilalka qorsheysan iyo qaraxyadi ay uga soo carareen Soomaaliya.

Ciidamada booliska Kenya oo maalmahan iyaga xitaa lagu ugaarsanayey xerada ayaa bilaabay baaritaano balse ma jirto wali dad ay u qabteen weerarkaasi.

Lama yaqaan cida ka danbeysa dilka mas,uulkaan iyo sababaha loo beegsaday balse waxaa loo maleynayaa in ay ka danbeeyaan kooxaha islaamiga ah ee dagaalka kula jira dowlada Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.