Ku dhawaad 10 ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux oo rayid ah saakay ilaa barqadi maanta lagu dilay xaafada Nuur Xawaad.

Sida ay sheegayaan goob joogayaasha dadkaan ayaa waxaa toogtay ciidamo Itoobiyaan ah oo saakay qarax lagula eegtay halka ay joogeen dadka la laayey oo ah agagaarka Buund-weyn ee bariga magaalada.

Wariyaasha ku sugan Baladweyne ayaa sheegaya in ay ku jiraan dadka ay dileen ciidamada Itoobiya sadex arday iyo macalimiin aanan tiradooda la cayimin, waxaa kale oo iyana ku jirta haweeneey.

Ciidanka Itoobiya ayaa saakay qarax miino lagula beegsaday xaafada Nuur Xawaad xilli ay halkaasi ku lugeynayeen.

Dhanka kale Al Shabaab ayaa sheegtay mas,uuliyada qaraxa, iyaga oo tilmaamay in ay ku dileen lix askari oo Itoobiyaan ah.

Qaraxaan ayaa ah kii labaad oo qasaaro kasoo gaaro ciidamada Itoobiya tan iyo marki ay qabsadeen Baladweyne 31-ki bishi December.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.