Ku dhawaad 10 qof oo ku dhimatay dagaal beeleed mar kale ka dhacay G/ Hiiraan

Dagal-300x225Siddeed qof ayaa ku dhimatay, 20 kalena waa ay ku dhaawacantay dagaal beeleed maanta oo Khamiis ah ka qarxay deegaanka Kabxanleey ee gobolka Hiiraan.

Shuuriye Xuseen Xaayow oo ka tirsan waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay jiritaanka dagaalka, wuxuuna sheegay in dadka ku dhaawacmay loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

Beelaha ay dirirtu u dhaxeyso oo isku haysta lahaanshaha dhul-beereed ayaa horraantii bishii la soo dhaafay gaaray heshiis xabbad-joojin ah.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo la hadlay Warbaahinta ayaa cambaareeyay dagaalka dib uga qarxay deegaanka Kabxanley.

Kabxanleey waxa ay 25 km waqooyi-galbeed ka xigtaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana muddooyinkii dambe ka jiray is qabqabsi dhanka beeraha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here