Kooxo xalay degamada Wadajir dil ugu geystay macalin dugsi Quraan

Kooxo ku hubeysan biskoolado ayaa xalay degmada wadajir ee G/banaadir ku toogtay macalin dugsi quraan.

Dilka marxuumka ayaa waxaa geestay sida ay goob joogayaal sheegeen ilaa 3 nin oo ku hubeysnaa biskoolado kuwaas oo dhowr xabo kaga dhuftay qaybaha sare Ee jirkiisa, waxaana uu macalinku geeriyooday goobta,kadibna ay halkaas isaga baxsadeen.

Macalinka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu horay uga tirsanaa midawgii Maxaakiimta Islaamka dalka ka hana qaaday sanadii 2006 ilaa hadana lama oga cida sida rasmiga ah uga dambeysa dilkaan iyo sababaha loo dilay toona

Degmada wada jir ayaa waxay kamdi tahay degmooyinka dilalka loogu geysto wariyayaasha iyo dadka wax galka u ah bulshada,in kastoo xili ay kamid ahayd degmooyinka ugu ammaanka fiican.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here