Kooxo weerari rabay madasha shirka Wadatashiga oo la qabtay

Ciidamada booliska magaalada Garoowe ayaa qabtay kooxo qorsheeynayey in ay weeraraan madasha shirka Wadatashiga ee ka furmayo magaalada Garoowe.

Taliye ku xigeenka qeybta booliska gobolka Nugaal, G/dhexe Maxamed Jaamac ayaa u sheegay wariyaasha in ay gacanta ku dhigeen sadex nin oo damacsanaa in ay bambooyin iyo bistoolado ku weeraraan madasha shirka ee jaamacada PSU ee magaalada Garoowe.

Sadexdani nin ayaa hada lagu hayaa saldhiga booliska halkaasi oo su,aalooyin lagu weydinayo sida uu sheegay Mr Jaamac.

Taliska ciidanka booliska ayaa ku eedeyey ragani in ay ka tirsanaayeen xarakada Al Shabab oo horay u sheegtay in ay weerari doonto xarunta shirka wadatashiga.

Sarkaal lagu magacaabo Macalin Xaasho oo ka tirsan maamulka Shabab ee gobolka Sh/hoose ayaa dhawaan ugu baaqay dagaalyahanada Al Shabab ee ku sugan dhulka Puntland in ay weeraro ka geystaan magaalada Garoowe .

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.