Kooxo Hubeysan oo Shacab ku Laayey Duleedka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose

Wararka Saaka naga soo gaaraya deegaanka Shalaambood ee xarunta gobolka sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in xalay kooxo hubeysan rasaas ku fureen gaari rakaab siday oo kusii jeeday magaalada marka.

Inkastoo si cad loo sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in rasaas la huwiyo gaarigaasi ayaa hadana waxay dadka qaar sheegayaan in darawalka gaariga lagu amray inuu istaago markii uu ka dhago adeegayna rasaas ooda looga qaaday taasi oo sababtay dhimashada 2 qofood iyo dhaawaca 4 kale oo rakaabkii ahaa.

Kooxaha falka geystay ayaa la sheegay inay doonayeen dhac ay ugeystaan gaariga waxaana arintaasi markii falka uu dhacay goobta gaaray ciidamo katirsan dawlada somaliya dadkii dhaawacmayna loo soo qaaday magaaladan muqdisho.

Deegaanka Shalaambood iyo deegaano kale oo hoostaga gobolka sh/hoose ayaa waxa mudooyinkii dambe kusii kordhayey kooxaha hubeysan ee dhaca ugeysta gaadiidka rakaabka qaada ee iskaga kala goosha muqdisho iyo gobollada bay iyo Sh/hoose.

Saraakiisha Ciidamada Dawlada Somaliya ee kusugan Sh/hoose ayaa waxay usheegeen Midnimo.Com  inay ku dadaali doonaan wax ka qabashada kooxaha falalka amni darada ka geysanaya deegaanadaasi iyo burcada wadada ugasha dadka rakaabka ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo rasaas dhimasho iyo dhaawac sababta lagu furo gaari rakaab sida oo marayey deegaano hoostaga gobolka Sh/hoose iyadoo dhowr jeer sidaan oo kale dad rayid ah loogu laayey gobolka Sh/hoose.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here