Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaasi lagu dilay ruux rayid ah,
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ruux rayid ah lagu dilay bartamaha magaalada Badhabo kaasi oo dilkiisa ay ka danbeeyaan kooxo ku hubeysan bastoolado,Waxaana markii ay dilka geysteen goobta ay isaga baxeen,
Dilka ayaa dhacay xilli Maqrib oo Caawa ah markaasi oo kooxo ku hubeysan bastoolado ay jidka u galeen ruux dhalinyaro oo ka soo rawaxay garoonka ciyaaraha kubada cagta oo ka daawanayay Ciyaar Kubada cagta ah,
Waxaana ilaa iyo iminka la ogeyn sababta ka danbeysa dilka ruuxani rayidka ah iyo sababah loo dilay.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.