Kooxo hubeysan oo labo nin ku dishey magaalada Boosaaso

Kooxo ku hubaysnaa bastoolado ayaa fiidnimadii xalay ku toogtay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari laba nin oo dhalinyaro ah kuwaas oo xilliga la dilaayey ku sugnaa biibito Shaaha laga cabo.

Labadan nin ayaa la sheegay in goobta ay fadhiyeen rasaas ooda loogaga qaaday kadib markii halkaa ay yimaadeen dhalinyaro kale oo ku hubeysnaa bastoolado.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah labada nin ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cali Dhayib Gurxan iyo Maxamed Xasan Gurxan kuwaas oo ahaa Ilma adeer isla markaana mid kamid ah uu ka tirsanaan jiray dawladda Puntland.

Kooxda dilka geysatay ayaa isla markiiba kz baxsatay goobta,waxaana soo gaaray halkaas ciidamo ka tirsan kuwa amniga qaabilsan oo baaritaano ka bilaabay xaafadda uu dilka ka dhacay.

Waa markii ugu horeysey muddo bilooyin ahoo dilal noocan oo kale ah ay ka dhacaanmagaalada Boosaaso, amniga magaalada Boosaaso ayaa ka soo reynayay muddooyinkii la soo dhaafay.

Dhowaan ayaa wadaad ka mid ah kooxda dhowaan la midowday Alshabaab uu sheegay in dadka la shaqeeya dowlada Puntland ay yihiin gaalo.