Kooxo hubeysan oo caawa nin rayid ah ku dilay degmada Wardhiigleey

Dableey bistoolado ku hubeysnaa ayaa caawa ku dishay nin rayid ah xaafada Labadhagax degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan ayaa caawa dil iyo dhaawac ka geystay xaafada Labdhagax degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Qof goob joog ah oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in ninka la dilay uu ahaa nin watay dharka shibilka, sidoo kalana uu goobta dhaawac kasoo gaaray qof kale oo rayid ah.

“Ninka la dilay wuxuu ahaa qof watay dhar caadi ah kuwa dilayna dhar shibil ayey wateen, ninka dadka xaafada wali ma aqoonsan, ninka marki uu dhintay kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamada dowlada,” sidaa waxaa yiri qof goob jooga ah oo magaciisa qariyey.” ayuu yiri.

Ciidanka dowlada ayaa wali howlgalo ka wada xaafada Labadhagax, waxaana caawa fiidki hore la xiray guud ahaan goobaha ganacsiga.

Xaalada Muqdisho ayaa xaafada Labadhagax ayaa xasilneyd beryihi dhawaa, waxaana maamula dowlada KMG Soomaaliya, iyadoo ay ka mid tahay meelaha sida aadka ah usoo camirmay.