Kooxo Hubaysan oo Wiil Dhalinyaro ku Dilay Huriwaa

War goordhowayd naga soo gaaray degmada Huriwaa ayaa soo sheegaaya in kooxo hubaysan ay degmadaasi ku dileen wiil dhalinyaro ah.

Wiilka ayaa la sheegay in aan la garaneyn cida dilka u geysatay ,waxaana mid ka mid ah dadka deegaanka uu noo sheegay in dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubaysan.

Ciidamada Dowladda ayaa dilka kadib waxay baaritaano ka bilaabeen goobta uu dilka ka dhacay.

Kooxa dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday lamana oga sababta ka dambeysa dilka wiilka dhalinyarada ee goordhow loogu geystay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Maalintii shalay ayay aheyd markii meydka wiil dhalinyaro ah lasoo dhigay xaafada suuqa xoolaha ee isla degmadaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here