Kooxo hubaysan ayaa maanta qof rayid ah ku toogtay inta u dhexaysa Isgoysyada Hawlwadaag iyo Bakaarha ee magaalada Muqdisho.
Qofka la dilay ayaa lasoo sheegaayaa in lagu toogtay inta u dhexeeysa isgoysyada Hawlwadaag iyo Bakaaro.
Rag ku hubeysnaa baastoolado ayaa lagu soo waramayaa in ay dilkaasi geysteen.
Raga dilka geystay ayaa durbaba goobta isaga baxsaday waxaana jiray baaritaano ay dilka kadib sameeyeen Ciidamada amniga.
Lama oga sababaha ka dambeysa dilka qofkaasi rayid ah galabta loogu geystay degmada Hawladaag.
Dilkaani ayaa qeyb ka ah dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeena Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com