Kooxo Hubaysan oo Labo Qof Goordhow ku Dilay Wadajir

War iminka naga soo gaaray xaafadda Buula Xuubay ee degmada Wadajir ayaa soo sheegaaya in goordhowayd xaafadaasi lagu dilay labo qof oo rayid ah.

Ragga wax dilay oo ku hubaysnaa Bastoolado ayaa toogasho ku dilay labo ruux oo mid kamid ah uu ahaa wiil uu dhalay wadaadka caanka ah ee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Wiilkan la dilay oo aan ilaa iyo iminka magaciisa la helin ayaa waxaa dhalay Sheekh Nuur Baaruud oo katirsan hay’ada Culumadda Soomaaliyeed.

Meesha dilku ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo katirsan Dowladda kuwaasi oo iminka wada baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxihii dilka geystay oo goobta isaga baxsaday.

Sikastaba lama oga sababta ka dambeysay dilka maanta labada qof ee rayidka ah loogu geystay degmada Wadajir hase yeeshee dilkaan ayaa qayb ka noqonaaya dilal isdaba joog ah oo muddooyinkaan kusoo badanaayey magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here