Kooxo Dhalinyaro ah oo Fanaanadda Nimco Dareen ku Dhaawacay Magaalada Nairobi

Fanaanadda caanka ah ee Nimco Maxamed Xassan Dareen ayaa xalay waxaa dhaawac loogu geystay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Fanaanada da’da yar ee Nimco Muxumed (Nimco Dareen) xili ay ka heesaysay masrax ku yaalla deegaanka LANGARA oo kuyaala inta u dhaxaysa xaafada Islii iyo faras magaalaha magaalada Nairobi (Townka), iyadoona ay dhaawacyo halis ahi ay soo gaareen Fanaanada.

Falka fanaanada lagu dhaawacay ayaa waxaa geystay kooxo dhalinyaro ah oo ku hubaysnaa tooreeyo, ulo iyo qalab kale oo masaamiirka laga sameeyey.

Inkastoo aan warar rasmi ah laga helin dhaawaca Nimco Dareen ayaa waxaa la sheegay in uu dhaawac halis ah kasoo gaaray dhanka kelyaha isla markiina waxaa loola cararay isbitaalka Kenyatta Hospital ee Nairobi.

Kooxdii falka dhaawaca ah u geystay Nimco Dareen oo ahaa dhalinyaro abaabulan ayaa waxay isla markiiba ka baxsadeen hoolka, waxaana lagu guuldaraystay in gacanta lagu soo dhigo.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaaya sababta keentay falal cadowtinimada ah ee lagu dhaawacay Nimco Dareen, hase yeeshee warar aan si hoose u helayno ayaa sheegaaya in dhaawaca Nimco Dareen loo badinaayo in ay soo abaabuleen kooxda ONLF ee ka dagaalanta Ethiopia.

Kooxdaasi ayaa ugu caraysnayd Nimce Dareen markii ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia ay tagtay sanadkii 2011-kii, halkaasi oo ay kasoo samaysay bandhig faneedyo kala duwan.

Nimco Dareen ayaa mar wax laga waydiiyey xaaladda Ethiopia waxay sheegtay in uu yahay dhul ay nabad ka jirto dadkuna ay ku mashquulsan yihiin sidii ay dhulkooda u dhisan lahaayeen, hadalkaasi waxaa aad uga carooday taageerayaasha jamhadda mucaaradka ah ee ONLF oo looga shakisan yahay in ay ka dambeysay weerarka lagu dhaawacay Nimco Dareen.

Fanaanadda caanka ah ee Nimco Maxamed Xassan Dareen asal ahaan waxay kasoo jeedaa Soomaalida Ethiopia, laakiin waxay haysataa dhalashada Denmark oo iyada oo da’yar la geeyey, xilliga la dhaawacaayey waxay dhexbartanka uga jirtay bandhigfaneed ay ugu talagashay Somaalida Nairobi ku dhaqan.

Nimco Dareen waxay kamid tahay fanaaniinada Soomaalida ee da’da yar, waxayna Soomaalida ku dhex leedahay taageero badan kuwaasi oo aad u xiiseeya heesaheeda iyo codkeeda oo aad u qanciyey dhalinyaro badan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here