Kooxihii Soomaaliya uga qaybgalay tartanka kubadda kolayga Uganda oo soo haray

Waxaa gabi ahaan laga soo ciribtiray tartanka kubadda kolayga ee caasimadaha, labo koox oo Soomaaliya ka socotay, kuwaasoo kala ahaa Mogadishu City iyo Gaalkacyo.

Kooxda Gaalkacyo ayaa gashay kaalinta afaraad ee tartanka kubada kolayga ee caasimada bariga iyo bartamaha Africa.

Kooxaha ka qaybgalaayay tartanka ayaa waxa ay ka socdeen waddanka Uganda, waxaa kaloo jiray kooxo ka socday waddamada Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaalida ku nool dalka Uganda ayaa soo dhaweeyay guusha ay kooxda Soomaalida gaartay, gaar ahaan kuwa Gaalkacyo ka socday, in kastoo ay hareen.

Tartanka oo sannadkan ay ka qaybgaleen ilaa 15-koox oo ka socday dalalka bariga iyo bartamaha Afrika, waxaa kooxaha Soomaaliya ay ku hareen billowgii markii dhammaan ciyaarihii ay yeesheen laga wada badiyay.

Kooxda Gaalkacyo oo u badnaa ciyaartoyd ka timid qurbaha sida Canada iyo Maraykankaa ayaa rajadooda aad u fiicnaa, waxaana ay soo bandhigeen ciyaar aad loo jecleestay sida uu u sheegay Shabakadda Midnimo guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Kolayga.

Kooxaha ugu badan ee ka qaybgalaayay tartankan Caasimadaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa waxa ay ka dhisnaayeen magaalada Kampala ee caasimada Uganda.

Tartanka waxaa kaloo ka qaybgalaayay kooxo gabdho ah, oo ka socday waddamada Bariga iyo Bartamaha Africa.

Koobka ayaaa la soo gabagabeeyay xaley oo bisha ay ahayd 4-ta bisha May waxaana ku guuleestay tartanka sannadkan koox ka socotay dalka Uganda.

Soomaaliya wax yaabaha sida wayn loogu qadariyo waxaa kamid ciyaarta kubadda kolayga , oo ay horrey guul la taaban karo oo taarikhda galay ka soo hoyisay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here