Kooxihii Soomaaliya uga qaybgalay koobkii Bariga iyo Bartamaha Africa oo dalka ku soo laabtay

Waxaa maanta oo Talaado ah dib dalka ugu soo laabtay ciyaartoydii kooxda Soomaaliya ee ka qaybgalay tartankii kubadda kolayga ee caasimada Bariga iyo Bariga Africa oo ku soo dhammaaday magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Kooxaha Soomaaliya uga qaybgalay tartankaas ,waxa ay ka socdeen magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo.

Kooxda Muqdisho ayaa inta badan ciyaarihii ay ciyaartay inta badan waa laga badiyay oo wax guul ah kama soo hoyin.

Tartanka oo ay ka qaybgaleen ilaa 15-koox oo ka socda magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Africa, waxaa lasoo gabagabeeyay habeenkii Axada, waxaana dhinaca wiilasha ku guuleestay kooxda Kampala A, halka dhinaca gabdhaha ay ku guuleesteen kooxo ka socotay dalka Kenya.

Tartanka oo xiiso lahaa, waxaa Soomaaliya guul u soo hoyay kooxdii ka socotay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, kuwaasoo kaalinta 3-aad ka galay tartanka.

Waxaa la siiyay kooxda Gaalkacyo bilad dahab ah, sida uu u sheegay shabadda Midnimo Ibraahim Xuseen Roombe oo ah guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Kolayga.

Kooxda ka socotay magaalada Gaalkacyo galabta ayey ka dageen garoonka Cabdulaahi Yuusuf , halkaasoo si wayn loogu soo dhaweyay sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here