Kooxda Xaawa Taako oo ku guuleesata koobka nabadda oo ka socday Beledweyne

Waxaa la soo gabagabeeyay tartan kubadda cagta ah oo ka socday magaalada Baladwayne ee xarunta gobalka Hiiran.

Koox ku cayaareysay magaca Xaawo Taako A ayaa ku guuleysatay koobkii nabadda kaddib markii cayaartii kama-dambeysta ay rigooreyaal ama gool ku laad kaga adkaatay koox ku cayaareysay magaca Kooshin A.

Cayaarta oo dad badan ay u soo daawasho tageen ayaa waqtigii loogu talagalay waxa ay ku idlaatay  2-2, hase yeeshee kooxda Xaawo Taako A ayaa rigooreyaal 5-4 ku adkaatay.

Tartanka oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka oo kaashanaya ururka dhallinyaro, ayaa waxaa ka qayb galay 8 koox oo ka kala socday afarta xaafadood ee magaalada Beledweyne.

Kooxda koobka ku guuleysatay ayaa la guddoonsiiyay Koob iyo lacag gaareysa 10 milyan oo Shilin Soomaali ah, kooxda kaalinta labaad gashay ayaa la siiyay Koob iyo lacag 5 milyan oo Shilin Soomaali ah.

Kooxda Howlwadaag A oo kaalinta seddexaad tartanka ka gashay ayaa lagu abaal-mariyay lacag dhan 2 milyan oo Shilin Soomaali ah, halka kooxda Howlwadaag B oo kaalinta afaraad gashay la siiyay darsin Fanaanado iyo buumooyin ah.

Tartanka ayaa si xiiso leh muddo toddobaad ah uga socday garoonka kubadda cagta ee Lama-galaay oo dhawaan dayactir ku sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee Beledweyne ku sugan.

Waa koobkii ugu horreeyay oo lagu qabto magaalada Baladwayne ee xarunta gobalka Hiiran tan iyo markii laga saaray halkaas kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here