Kooxaha Soomaalida oo ciyaarihii ugu horreeyay laga badiyay

Waxaa magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, 29-kii bishii horre ka billowday tartanka sannad laha ah ee kubadda kolayga ee caasimadaha bariga iyo bartamaha Africa.

Tartankan sida ay noo sheegeen xiriirka kubadda kolayga Soomaaliya waxaa ka qaybgalaya ilaa 15-magaalo oo ku yaalla bariga iyo bartamaha Africa.

Haddaba kooxa ka qaybgalaya waxaa ka mid ah labo koox oo ka socda dalka Soomaaliya, koox waxa ay ka tagtay magaalada Muqdisho kooxda kalena waa kuwa ku ciyaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Ciyaarihii ugu horreeyay kooxahan xaley ayey ciyaareen waxaana ay lakala yeesheen kooxaha Jinjaga iyo Kampala B.

Kooxda Mogadishu City waxa ay la ciyaartay kooxda Jijija oo ah koox ka dhisan dalka Uganda waxana ay ciyaarta ay ku dhammaatay waqtiga loogu talagalay 86 iyo 43 oo ay ku badisay kooxda ka socotay dalka Uganda.

Ciyaartii labaad waxa ay dhexmartay kooxda Gaalkacyo iyo kooxda Kampala B waxa ay ku dhammaatay 78 iyo 61 waxaana sidaas ku badisay kooxda Kampala B.

Isla xaley waxa ay ciyaar labaad yeelatay kooxda Gaalkacyo, oo la ciyaari lahayd koox ka socotay dalka Uganda laakin ciyaartaas waxaa baaqday, waxaana sidaas qaab badis ah lagu siiyay kooxda ka socotay dalka Soomaaliya ee Gaalkacyo.

Labada Koox ee Soomaaliya Muqdisho iyo Gaalkacyo maalinta berri ayey ciyaartooda labaad yeelan doonaan waxaana kooxda Gaalkacyo haddii ay soo badiso ciyaarta Khamiista ay u soo gudbi doontaa wareega Semifinal-ka, waxaana la lee yahay kooxda rajadeeda aad eyey u fiican tahay.

Waxaa u ciyaarta kooxda Gaalkacyo ciyaartooy badan oo ka tagay dibedda gaar ahaan waddamada Canada iyo Maraykanka.

Wixii faah-faahin ah oo ku saabsan tartankan oo soo dhammmaan doona 4-ta bishan May kala soco Shabakadda Midnimo oo wariyaal ay u joogaan magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here