Kooxda Somalia oo nus darsan goolal ah loo saariyay

Kooxda Somalia oo nus darsan goolal ah loo saariyay
Kooxda Somalia oo nus darsan goolal ah loo saariyay

Waxaa goordhow soo dhammaatay cayaar ka tirsan is-reeb-reebka horyaalka kubadda cagta qaramada Afrika ee cayaartoyda 21-sanno ka yer.

Cayaar xiiso badan oo dhex martay kooxaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa ku dhammaatay 6 iyo 0 oo looga adkaaday kooxda qaranka dalkeena Soomaaliya.

Cayaarta oo ka dhacday garoonka Al-Hilaal ee magaalada Khartoum ayaa qaybtii horre waxa ay ku idlaatay 3 iyo 0 oo lagu lee yahay Soomaaliya.

Markii dib la isugu soo laabtay halkii laga rabay isbadal in ay la soo baxaan kooxda qaranka Soomaaliya, waxaana lagu sii waday goolasha oo seddax kale ayaa laga dhaliyay.

Cayaarta waqtiga loogu talagalay waxa ay ku soo idlaatay lix iyo eber oo ay ku badishay kooxda martida loo ahaa.

Garoonka waxaa ku sugnaa taageerayaal fara badan oo Soomaali ah kuwaasoo u badan ardayda Soomaalida ee wax ka bartay dalka Sudan.

Siddee u aragtaa natiijada guul-darrada kooxda Soomaaliya?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here