Kooxda Savana oo 2 sano kadib usoo dalacday Horyaalka Heerka 1-aad ee dalkeena

Savana ayaa 3-2 ku dubatay kooxda Somali Fruit taa oo u xaqiijisay inay kal ciyaareedka soo socda ka ciyaari doonto horyaalka Serie A ee dalkeena.

Naadiga uu horkoco tababare Cabdi Buule ayaa labo sano ku jirtay Serie B balse dadaal ay sanadan muujisay ayay dib ugu soo laabatay markale horyaalka koowaad kaddib markii ay ku soo baxday kaalinta labaad.

Naadiga Banaadir ayaa koowaad ku soo baxday oo ku soo guuleystay horyaalka Serie B ee dalkeena, iyadoo ay Savana iyo Banaadir sanadka dambe ka wada ciyaari doonaa horyaalka heerka koowaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here