Kooxda PSG oo malaayiin doolar ku dooneyso Kaka iyo Pato

Kooxda Paris Saint-Germain ee dalka Faransiiska ayaa ku dooneyso lacag dhan €61.5 million labada laacib ee reer Brazil Kaka iyo Alexandre Pato.

Ilo wareedyo ku dhaw dhaw shirkada maalgashatay kooxda oo ah shirkada Maalgelinta Isboortiga Qatar (QSI), ayaa sheegaya in liiska koowaad ay ugu jiraan sadex laacib oo laba ka mid ah ay yihiin xidigahaan.

Warka ayaa intaasi ku daraya in 15-kaa maalmood ee soo aadan ay kooxda dalab ugu diri doonto laacibiintaan iyada oo ka bilaabeyso Kaka oo ay dul dhigtay €23.5m  sida ay qortay maanta wakaalada wararka ee AFP.

PSG waxaa kale oo la sheegayaa in ay ku dooneyso Pato aduun lacageed oo gaaraya €38m.

Pato ayaa la xaqiijiyey inay hada isku dhacsanyihiin tababaraha Milan Massimiliano Allegri, laakin macalinkan 44 jirka ah ayaa Isniinti ku adkeystay inuu rajeynayo in wiilkiisa uu baaqi kusii ahaan doono garoonka San Siro.

Warar kale ayaa waxay tilmaamayaan in ay suurta gal tahay in kooxda reer Talyaani ee Milan ay aqbasho dalabkaasi iyada oo u adeegsan doonto lacagaha kasoo galo Pato xagaasi iyo kooxda Manchester City oo ay ka rabto Carlos Tevez.