Kooxda Novara oo ka ooyisiisay Inter Milan


Kooxda aadka u yar ee Novara ayaa si layaab leh shalay uga badisay kooxda caanka ah ee Inter Milan oo ay marti ugu aheyd garoonkeeda San Siro.

Gool uu ka dhaliyey Inter ciyaaryahan Caracciolo ayaa sadexda buundo faraqa u galiyey Novara waxaana haatan qalqiil ku jira usoo bixitaanka Inter ee koobka Champions League ee xilli ciyaareedka soo aadan.

Inter oo goolka laga dhaliyey daqiiqadi 11-ad ee qeybti labaad ee ciyaarta ayaa waxba tari weyday xitaa ciyaartooyda Novara oo ku dheelayey 10 laacib marki kaarka cas laga siiyey Ivan Radovanovic.

Weeraryahanki hore ee kooxaha Palermo, Brescia iyo Genoa goolka wuxuu dhaliyey ciyaarta oo mareysa 56-daqiiqo waxaana ciyaarta inta badan heysatay Inter balse ceeb ayey kala baxeen garoonka.

Haatan Inter waxay ku jirtaa kaalinta shanaad iyada oo leh 36 dhibcood, kooxda Milan oo si ku meel gaar ah u hogaamineysa ayaa leh 47 dhibcood.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.