Kooxda Monitoring Group oo Musuq maasuq ku Eedeysay Dawlada Somaliya

MONITORING-Group

Warbixinta ayaa lagu bilaabay Doorashada Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud iyo soo afjarida xiligii KMG ahaa ay keentay in Beesha Caalamka ay taageeradii Siyaasadeed iyo tii farsamo ee ugu badneyd ay u fidiyaan Xukuumada Cusub si loo soo gaba gabeeyo Musuq Maasuqa iyo Dayacnaanta Hanaanka Maamulka.

Laakin waxaa gudiga ay sheegeen in Madaxweynaha Cusub uu dhaxlay hanaan dowladeed oo aan lahayn awood uu wax kaga qabto khaladaadkii hore ee gaar ahaan dhinaca Maareeynta Lacagta iyo Ciidamada Amaanka.

Gudiga ayaa sheegay in sanad kadib markii ay warbixintii ugu dambeysay ay soo saareen in weli ay u muuqto in Beesha Caalamka gaar ahaan maal gashiga beesha caalamka ay ku sameeyeen ka miro dhalinta iyo wax kabadalka hanaankii Maamulka Dalka aaney weli guuleysan.

Waxaana gudigu sheegeen in Somalia ay wali ka jirto xaaladii taagneyd xiligii kala guurka oo uu weli jiro Musuq Maasuq fara badan kala dambeyn la,aan iyo is xisaabin la,aan waxaana muuqata sida gudiga ay sheegeen in Ciidamada Amaanka ay wali aamin sanyihiin danaha qabaailada ay ka soo kala jeedaan.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in arimahaani ay keeneen in ay sameysmaan kooxo isku xiran oo ka awood badan xafiisyada rasmiga ee dowlada iyo wasaaradaha qaar.

Warbixinta ayaa sheegtay in arimahaani ay keeneen arimhaasi iyo Kursi jaceylka oo is biirsaday ay hoos u dhigtay taageeradii ay dadka u hayeen xukuumada talada haysa .

Waxaana sii korortay sida warbixinta ay sheeegtay qul qulatooyinka ka dhalanaya xifaaltanka beelaha kala duwan.

Dhinaca kale waxay warbixinta xustay in kasta oo taagerada dhaqaale iyo mida beesha caalamka loo kordhiyay Ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM isla markaana la dar dargaliyay Ciidamadii Amaanka ee Somalia iyadoo weliba la khafiifiyay Cuna qabateyntii hubka ay hadana weli muuqato in al shabaab ay yihiin halis jirta oo dhib ku haysa amaanka iyo Nabadda Somalia.

Warbixinta ayaa sheegtay in Shabaabka ay ku guul dareysteen in ay sii xajistaan Awoodii badneyd ee ay lahaayeen sanadihii 2009-2010kii laakin dhinaca kale waxay warbixintu xustay In shabaab hormar iyo isbadal ku tilaabsadeen waxaana warbixintu arintaa la xiriirisay iyadoo oo hogaamiyihii la dilay ee Shabaabka Axmed Cabdi Godane uu ku guuleystay in uu khaarijiyo dhamaan saraakishii sar sare ee ka soo hor jeesatay xukunkiisa.

Waxaana intaasi ay u sahashay in uu sii xoojiyo awoodiisa iyadoo ay taasi keentay in Maamulka ururka ay gacanta ku dhigaan garabyada ugu sii xag jirsan kuwaasi oo taageero ka helaya taageerayaasha ururka ee ku nool bariga Afrika taasi oo keentay in ururka uu saameyn ku yeesho Muqdisho waxaana ay weeraro ka fuliyeen meelo ka baxsan Caasimada iyo weliba dalalka deriska la ah Somalia.

Waxaa kooxda ay awooda saartay in istiraatiijiyad cusub ay la yimaadaan iyadoo unuga loo yaqaano Amniyaadka ee ururkaasi ay awood balaaran heleen iyadoo sirdoonka ururka u qaabilsan.

Waxaa ayna ku guuleysteen sida warbixinta sheegtay in ay qaadaan weeraro aad u heer sareeya oo ay ka fuliyeen dibada Somalia iyada oo ku dayana weerarada Al Qacida ee Caalamka meelo kala duwan laga fuliyay.

Dhinaca Arimaha Gudaha ayay warbixinta xustay in ay jiraan khilaafaad iyo Xiisado isa soo taraya oo halis ku ah Amaanka guud ahaan Somalia.

Gudiga ayaa walaac ka muujiyay Xaalada Gobalka Sool halkaasi oo ay ku dagaalameen sida warbixinta sheegtay Maleeshiyaad kala taabacsan Somaliland Puntland iyo Khaatiuma.

Waxaana warbixinta xustay in si gaar ah ay saameyn u leedahay iyada oo maamuladaasi kala duwan ay isku hastaan degaankaasi sida ay warbixinta xustay Hodan ku ah Batroolka iyo Shidaalka.

Waxaa kaloo ay warbixinta xustay khilaafka ka taagan Shabellada Hoose iyo Shabellada Dhexe halkaasi oo dagaalada ka dhacay qaar kood kuwa ku xad gudbay xuquuqda Aadanaha gaar ahaan weerarada lala beegsaday dadka rayidka ah ee aan hubeysneyn

Waxaana arintaasi sii hurinaya sida warbixinta sheegtay oo halis ka dhigaya iyada oo saraakiisha Ciidamada qaar kamid ah lagu eedeynayo iney dagaaladani kulug leeyihiin isla markaana ay qabaailka ay ka soo jeedaan si gaar ah hubka si hoose ugu siinaya isla markana ay ku maalgaliyeen lacaga la musuq maasuqo .

Waxaana arintaasi dabada kawada sida ay sheegeen gudigu iyada oo beel walba ay rabto in ay gacanta ku dhigaan dhulka oo ay daqli badan ka helaan isla markaana ay u helaana awood saami qaybsiga iyo siyaasada fedralka Somalia halka ugu sareysanaya ay ka galaan.

Waxaana warbixinta ay xustay in khilaafkani uu wiiqi karo dagaalka lagula jiro awooda Al Shabaab.

Dhinaca Burcad Badeeda ayay warbixinta sheegtay in ay hoos u dhaceen falalka afduubka Maraakiibta.

Dhinaca Musuq Maasuqa dowlada Fedralka ayaa warbixinta sheegtay in weli uu taagan yahay iyadoo gudiga sheegeen in ay u arkaan in meelaha qaar uu musuq maasuqa sii batay oo uu xadka goostay .

Waxaana gudigu ay sheegeen in ay ku qiyaaseen lacagaha lagu bixiyo wax ka baxsan wixii loogu tala galay in ay gaarayaan ilaa %80 waxaana gudigu sheegeen in inta badan lacaga la leexsado laguna bixiyo dano gaar ah iyo damac xisbinimo.

Warbixinta ayaa xustay in Xukuumada Fedraalka Somalia ay weli sii wado hanaankii wax is daba marinta dowladihii ka horeeyay waxaa kalo warbixinta ku eedeysay dowlada Fedraalka in tan iyo bartamihii 2013kii ay sii kordhiyeen in ay saxiixaan heshiisyo iyo qandaraasyo qarsoodi ah oo aaney cid la ogeyn taasi oo albaabka u furtay sida warbixintu sheegtay lunsida hantida Qaranka.

Waxaa warbixnta gudiga QM si aad ah ugu dhaliishay xukuumada iyo Mas,uuliyiinteeda in ay si qarsoodi ah ay u saxiixaan heshiisyo ay ku bixinayaan dan guud oo umada u wada dhaxeeya taasi oo anu baarlamaanka iyo Shacabka Somaliyed aan la ogeyn.

Waxaa kale oo laga qariyaa heshiisyadaasi sida ay sheegeen beesha caalamka sida warbixinta ay xustay.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in ay jiraan kooxo iyo Xulafo si gaar ah uga macaasha muqus Maasuqa oo si ka baxsan hanaanka dowladnimo ugu takri fala awooda xukuumada.

Bangiga dhexe ee Somalia ayaa warbixinta gudiga QM sheegtay in uu %70 ku bixiyo lacagta Qaranka hanaanka loo yaqaano (Fadlan sii hebel Lacagtaasi) hanaankaasi oo ah mid baal marsan dowladnimada waxaana warbixinta sheegtay lacgtaasi la bixinayo ee Hanaanka Fadlanta lagu bixiyo aaney ku xusneyn Miisaaniyada Qaranka taasi oo micnaheedu tahay inaany Gudoomiyaha Bangiga dhexe waxba aanu ka ogaan Karin waxa lagu falayo lacagtaasi lala baxayo.

Waxaa kaloo warbixinta ay ugu dambeyntii sheegtay in lacagta soo gashay Dakadad Magaalada Muqdisho ay korortay laakin aan lawada geynin Bangiga dhexe oo ay si musuq maasmuq ah ku lunto lacagtaasi oo mid aad u badan ah oo ay ku qiyaaseen ilaa 5 Milyan oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here