Kooxda Maroordi-Jeex oo ku guuleesatay Koobka G/Somaliland

Waxaa galabta la soo gabagabeeyay tartanka kubadda cagta Somaliland, waxaana ku guuleesatay Kooxda Maroodi jeex ee magaalada Hargaysa.

Kooxda ayaa galabta oo Jimco ah ku guuleesatay tartanka kubada cagta ee gobalada Somaliland kaasoo maalmahan ka socday garoonka Magaalada Hargaysa.

Kooxda Maroodi-jeex ayaa cayaarta Fiinalka waxa ay rigoore ama gool ku laad kaga badiyay kooxda Hawd.

Labada Koox ayaa ciyaarta ay yeesheen waxa ay ku dhammaatay bilaa gool la’aan ah, waxaana markii dambe loo dhigay gool ku laad si ay u kala baxaan.

Waxaana lix gool iyo shan gool ku badiyay kooxda magaalada Hargaysa, waana markii seddaxaad oo tartanka gobalada Somaliland ay ku guuleesato kooxda Maroodi-Jeex.

Xafladda xiritaanka ciyaaraha Somalialnd waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland, iyo dad kale oo lagu casuumay, waxaana ciyaartoyda kooxda Maroodi-Jeex, la guddoonsiiyay koobka.

Tartanka sannadkan waxaa ka qaybgalay illaa 13-koox oo ka socday maamulka Somaliland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here