Kooxda Man City oo ka badisey Arsenal welina haysata hogaanka horyaalka Ingiriiskana.

Kooxda Man City ayaa kaga badisey kooxda Arsenal garoonkeeda Emirates kadib ciyaar ka tirsan tartanka horyaalka Ingiriiska oo caawa ay wada ciyaareen.

Kulankan ayaa labada kooxood waxa ay xoogga saareen sidii uu mid midka kale ugaga guuleysan lahaa iyadoo laacibiinta ay kooxahaas ku dhaartaan ay la soo shir tageen.

Ciyaarta ayaa qeybteedii hore waxa ay ku soo dhamaatay goolal la’aan balse daqiiqadii 53aad ayaa  waxaa goolka guusha u dhaliyey kooxda Manchester  City ciyaaryahankooda reer Spain ee David Silva.

Arsenal ayaa heshay fursado badan oo ay ku barbareyn kartay ciyaarta hase yeeshee waxaa u suurogeli weysay inay wax goolal ah dhaliyaan.

Kulamadii kale ee horyaalka Premier League ee maanta la ciyaaray ayaa kooxda Man United waxa ay garoon ay marti ku ahayd ugaga badisey kooxda QPR 2-0. Daqiiqadii koowaad ayaa gool qurux badan waxaa madaxa ku dhaliyey Wayne Rooney, goolka labaadna waxaa dhaliyay Carrick oo goolkan uu ahaa kii ugu horeeyey ee uu muddo labo sano ah dhaliyo. Kooxda Man United ayaa waxa ay muddo gaaban haysay hogaanka Ingiriiska inta aanay kooxda Man City 1-0ka ugaga badin kooxda Arsenal.

Kooxda City ayaa muddo afar saacadood ah waxa ay ahaayeen koox kaalinta labaad ku jirta horyaalka Ingiriiska waayo kooxda Man United ayaa 2-0 waxa ay ugaga badisey kooxda QPR, waxaana hogaanka ay haysay kooxda United muddo afar saacadood ah. Waxaana haatan ay ku hogaamineysaa Man City hoggaanka 2 dhibcood oo kaliya.

Ciyaarihii kale ee maanta horyaalka Ingiriiska ayaa waxaa ay kooxda Liverpool ku dardartay kooxda Aston Villa 2-0, halka ay kooxda Tottenham ay 1-0 ugaga badisey naadiga Sunderland.

Faaqidada Cayaaraha kala soco bogga

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com