Kooxda Kubadda Cagta LLPP Jenyo oo qalab Sport la siiyay

Maamulka Hotel Shamow ayaa qalab Sport guddoonsiiyay kooxda kubadda cagta LLPP Jenyo oo dhawaan dib loo soo nooleeyay.

Xaflad qalabkan lagu siinayay kooxda ayaa waxa lagu qabtay Muqdisho, waxaana waxaana lagu casuumay madax ka tirsan dowladda waxaana ka mid ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Adeega bulshada,Aweys Sh. Xadaad.

Sidoo kale waxaa xafladda ku sugnaa Agaasimaha waaxda Sportiga Saacid Baariyow, Gudoomiyaha GOS  C/laahi Axmed Tarabi, ku-xigeenka GOS Ibraahim Shaamow,Ku-Simaha  xiriirka  ciyaaraha  fudud Khadiijo  Aaden Daahir, Xubin GOS Abuukar Islow, Legend Jeenyo  Ahna  la taliyaha gudoomiyaha GOS Axmed Nuur Maxed Xaashi (Seyga ruushka) Legend Jeenyo Mulki Nuur Muudey, taageerayaal, ciyaartoy iyo bahda saxaafadda.

1111

Ugu horeyntii waxaa taariikhda iyo kaalinta Shamow Group ku lahaayeen dhiiri gelinta sportiga, gaar ahaan kooxda LL PP jeenyo ka sheekeyey  Caamir Shakeeti oo xusey in had iyo jeer walaalaha Shamow ay taageeri jireen kooxda Jeenyo xagga qalabka iyo agabyada kalena ay ugu deeqi jirtey tan iyo sanadkii 1982-kii.

Gudoomiyaha xiligaan kooxda LL PP Jeenyo Jubba Ciise ayaa halkaasi ka faah-faahiyey tan iyo markii kooxda ay qaadatey magaca Jeenyo tartamadii kala dwanaa ee ay ka qeybgaleen, isagoo xusey in xiligaan ay ka mid yihiin kooxaha 8-da ahaa ee heerka koowaad ee ka qeeybgalaya horyaalka 2013 ee ka socda garoonka Banaadir.

Axmed Nuur Seyga Ruushka ayaa isaguna ka sheekeeyey taariikhdii waayihii uu u ciyaarayey kooxdaasi LL PP jeenyo, isagoo sheegey in 1970-76-kii uu ka mid ahaa xidigihii soo maray,wuxuuna hoosta ka xariiqey in Jeenyo lagu yiqiiney is jaceeyl iyo horumarinta kooxda oo Masuliyiin uu ugu horeeyey Allaha u naxariistee Nuur Jeenyo  ka mid ahaa dadkii magaceeda kor u qaadey.

Gudoomiyaha Olympikada Soomaaliya iyo Agaamiha guud ee wasaaradda Adeega Bulshada C/laahi Axmed Tarabi iyo Aweys Sheekh Xadaad ayaa halkaasi si weeyn ugu mahadceliyey Bahda Shaamow Group kaalinta ay kaga jiraan dhiirigelinta iyo taageerida ciyaaraha dalka, gaar ahaan kooxdaasi Jeenyo oo ay klu can baxeen beri samaadkii.

Labada masuul ayaa ku dhiiri geliyey shirkadaha iyo Ganacsatada kale ee dalka Soomaaliya inay ku deydaan Shamow Group oo ay ka shaqeeyaan sidii loo dhiiri gelin lahaa ciyaaryahannada iyo kooxaha qeybaha kala duwan ee Sportiga dalka.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here