Kooxda Isku dhafka amaanka Soomaaliya oo kulan ugu soo gaba gaboobay Muqdisho + Sawiro

Shirkii Gudiga Wada jirka Ammaanka ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay taliska Ciidamada AMISOM ee Xalane, kadib markii maalinimadii shalay uu si rasmi ah u furmay.

Gudiga Wada jirka Ammaanka (Joint Security Commitee) oo ay ku mideysan yihiin Qaramada Midoobey,TFG-da, Ahlusunna, Galmudug, Puntland, IGAD,AMISOM, Mareykanka, Britain iyo Midowga Yurub.

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saarayay sidii loo xoojin lahaa ammaanka, iyadoo warbixino lagu kala qaadanayay labadii bilood ee uu mar kulmo gudigan, waxaana kulankan uu ahaa kii 13aad ee uu Gudigan yeesho.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayaa warbixin ka siiyay Gudiga Wada jirka Amniga, amaanka dalka gaar ahaan Muqdisho iyo Goboladii laga saaray Al-Shabaab, Wuxuu kaloo tilmaamay in Xukuumadda ay ku guuleysatay sugidda amaanka balse loo baahan yahay in dadaaladaasi la sii xoojiyo, islamarkaana loo baahan yahay in la tayeeyo Ciidamada Booliiska ee dowladda.

Kulankan ayaa xubnihii ka qeyb galay waxay muhiimad ku saareen sida laga maarmaan u tahay in ammaanka la xoojiyo iyo deegaanada laga saaro Al-Shabaab.