Kooxda Global Hotel oo guul ka gaartay tartanka xidiggaha ee ka socda Muqdisho

Waxaa shaley galab la ciyaaray, ciyaartii seddaxaad ee tartanka kubadda cagta xidiggaha oo ka socda garoonka Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho.

Tartankan oo ay ka qaybgalayaan illaa lix koox, oo ku ciyaaraya magacyada shirkadaha ganacsiga ee ka dhisan dalka.

Dhammaan lixda, waa ay ciyaareen ciyaartii koobaad, waxaana lagu furay kooxaha Email Nationlink iyo Sinjet oo ah shirkadda daabacadda qaabilsan, waxa ay guusha raacday kooxda Shirkadda isgaarsiinta ee Nationlink.

Ciyaartii labaad, waxaa isku arkay kooxaha City Palaza Hotel iyo Jaziira Hotel Palaza,waxaa ay ku kala tageen 0 iyo 0, oo wax goolal ah iskama dhalin.

Shaley oo Arbaca ah ahay waxaa wada ciyaaray kooxaha Global Hotel iyo Liido Sea Food, waxana 2 iyo 1 ku badiyay kooxda Global Hotel.

Illaa hadda mid seddax dhibac waxa is kaleh kooxaha Email Nationlink iyo Global, halka City Plasa iyo Jasiirana ay isla lee yihiin min hal hal dhibac, waxaa illaa hadda wax dhibac ah lahayn kooxaha Sinjet iyo Liido Sea Food.

Tartankan ayaa wax maalgalinaya shirkadaha ganacsiga ee ka dhisan dalka, waana markii ugu horreysay ee tallaabo noocan oo kale ay qaadaan ganacsatada ka dhisan dalka.

Tartanka oo leh xiiso iyo xamaasad, waxaa u soo daawasho taga dad aad u badan oo qaarkood ka yimaada gobalada dariska la ah caasimada Muqdisho.

Wixii ku soo kordha kala soco markasta Shabakadda Midimo oo ay wariyaal uga soo warrama ciyaarahaas ay halkaas u joogaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here