
Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaa tababbar ku sameenaya kooxda Garowe City ee kubadda kolayga.
Kooxdan oo ka dhisan qurbaha ayaa ka qaybgali doona tartanka kubadda koleyga ee caasimadaha caalamka loo dhigo “Inter-City-Basket-ball”.
Sidda qorshaha uu yahay tartanka waxaa sannadkan marti galin doonta caasimada waddanka Tanzania ee Dar’asalam.
Kooxdan waa kooxdii sannadkii horre ka qaybgashay tartankan waxaana ku wehlinaayay koox ka socotay magaalada Muqdisho.
Sannadkan kooxda Garoowe City ayaa u matali doonta tartankan caalamiga ah oo ay ka qaybgalaan kooxo dhowr ah.
Haddii aan nahay bahda Midnimo.com, waxaan u rajeeneynaa kooxda Garoowe City guul taarikhi ah.