Kooxda Garoowe City oo guulo waaweyn soo hoyisay

Kooxda kubadda kolayga Garoowe City ayaa guulo waaweyn soo hoyisay kaddib markii labadii cayaar ay cayaartay tartanka kubadda kolayga ee caasimadaha ay adkaatay.

Kooxda ayaa cayaartii ugu dambeesay waxa ay shaley galab ka adkaatay koox ka dhisan magaalada Caruusha ee dalka Tanzania

Labadii cayaar ay cayaartay kooxda ka socota Soomaaliya guul ayey gaartay, sidda ay lee yihiin mas’uuliyiinta ku sugan Dar’asalam.

Tartanka “Inter-City-Basket-ball”waxaa ka hartay kooxda Hareysa, taasoo labadii kulan ee ugu dambeeyay laga adkaaday.

Kooxda Garoowe City oo ay u cayaarayaan cayaartoy khatar ah kana yimid badankooda Qurbaha ayaa ku jirra Group-ka koowaad,waxaana la aaminsan yahay in ay u soo bixi karto wareega labaad ee tartanka ka socda dalka Tanzania.

Kooxdan waa kooxdii sannadkii horre ka qaybgashay tartankan waxaana ku wehlinaayay koox ka socotay magaalada Muqdisho.

Waxaan u rajeeneynaa kooxda Garoowe City oo ku cayaaraysa magaca magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, in ay guul ka gaarto tartanka inta uu socdo in shaa allah.

Akhriste siddee u aragtaa guusha ay gaartay kooxda Garoowe City?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here