Kooxda Garoowe City oo cayaartii 3-aad adkaatay caawa

Kooxda Garoowe City oo ka mid ah 10 naadi oo ka qaybgalaya tartanka kubadda kolayga ee bariga iyo bartamaha Afrika ayaa caawa markale adkaatay.

Waa cayaartii seddaxaad oo isku xigtay oo ay guul gaarto kooxda Garoowe City oo ka socota magaalada Garoowe ee dalka Soomaaliya.

Garoowe City ayaa ku adkaatay 83 cayaarta ay la yeelatay caawa kooxda Dari Salaam ee dalka Tanzania isla markaana ah kooxda martigalinaysa tartanka “Inter-City-Basket-ball”.

Sidoo kale waxaa tartanka ka qaybgalaysa kooxda Hargeysa, waxaana kooxdan ay la kulantay maanta guuldarradii seddaxaad oo isku xigta.

Hargesa waxaa looga adkaaday 116-jeesta, cayaartii ay la cayartay kooxda ka socotay Qaahira, halka ay keensatay iyada 71-dhibcood.

Kooxda Garoowe City waxaa u cayaara cayaartoy badan oo laga keenay qurbaha gaar ahaan waqooyiga Maraykanka.

Waa markii labaad oo ay ka soo qaybgasho kooxdan tartanka kubadda kolayga ee magaalooyinka ku yaalla bariga iyo bartamaha Afrika.

Ugu dambeyn haddii aan nahay bahda Midnimo, waxaan u rajeeneynaa kooxda Garoowe City in ay ku guulaysto koobka ama meel fiican ay gasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here