Kooxda Fc TAYO oo Naadiga Udhis ka Qaaday Koob Mudo Bil ah Soo Socday (Daawo Sawirada+Warbixin)

Xaflad heer sare ah oo ka dhacday magaalada Vienna ee Caasimada dalka Austria ayaa waxaa Koobkii bisha barakeeysan ee Ramadaanka lagu gudoonsiiyay kooxda Fc TAYO oo qaaday Koobkaan iyada oo aan marnaba laga badin.

Koobkaan oo guud ahaan ay ka soo qeeyb galeen 8 kooxood oo Xul ah waxaa ugu dambeeyntii Ciyaartii Fiinaalka iskugu soo haray kooxaha Fc Tayo Vs Udhis waxeeyna labadaan kooxood waqtigii Ciyaarta loogu tala galay isla dhaafi waayeen 3-3.

Kooxaha Fc Tayo Vs Udhis oo Rigooreyaal lagu kala saaray waxaa ugu dambeeyntii 3-2 ku badisay FC TAYO oo xili Ciyaareedkaan la soo shir tagtay Dhalinyaro ka dhisan dhinac kasta oo waliba soo qaadatay Tababar wanaagsan .

Gudiga Sportiga Vienna iyo Madaxda Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ayaa Xaflad aad u sareeysa u qabtay Kooxihii ka qeeyb galay Tartankaas iyo Shacab weeynaha ku nool magaalada Vienna waxaana goobtaas lagu bixiyay abaalmarino fara badan.

Xiddigii hore ee Qaranka Somalia iyo kooxdii Batroolka C/Casiis Cali Diiriye (DabaGure) ayaa gudoonsiiyay Koobkii Ramadaanka & Munaasabadii Ciida Kaptanka kooxda FC TAYO Maxamed Cumar Maxamed (Bondaro).

Kaalinta 2-aad ee tartankaan waxaa Koobka u qaaday kooxda Udhis Xiddigaha kala ah Goolhaye Shariif Ganeey,Saxardiid,Maxamed Aanjabno & West. Dhanka Xiddigii ugu wanaagsanaa Koobkaan ayaa waxaa la gudoon siiyay Ciyaaryahan Najiib Xasan Wali (Najiib Fabregas) oo ka socday kooxda Fc Neue Donau.

Dhanka Gooldhalinta waxaa loo caleemo saaray Ciyaaryahan Cawaale C/Rashiid Saleebaan (Cawaale Messi) oo ka socday kooxda FC Tayo wuxuuna gacanta ku dhigay abaal marin qaali ah. Xafladii lagu bixinayay Koobabka iyo Abaalmarintaba waxaa si toos ah uga hadlay Gudoomiyaha Gudiga Sportiga Soomaaliyeed ee magaalada Vienna Mr.Cabdullahi Ahmed Nuur (Cabdullah Boy) iyo Gudoomiye ku xigeenka Gudigaas Mr.Axmed Saadaq Xasan Jimcaale (Jiidaal).

Masuuliyiintii kale ee ka hadashay Xafladaan oo eheed mid aad loo soo camiray waxaanu ka xusi karaa Cali Baashi Yuusuf (Duqoow),Guuleed Gacal,Liibaan Maxamed Soyan,Axmed Maxamed Aadan iyo Sheekh Maxamed Abu Ahmed.

Ugu dambeeyntii waxaa goobtii Xaflada ka socotay Bilad sharaf qoorta loo galiyay Cali Calasow Maxamed oo noqday shaqsi qeeyb Libaax ka qaatay isku keenida Dhalinyarada Sportiga iyo abaabulida guud ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Vienna.




Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here