Dekedda oo qaadacday cayaar ka tirsan horyaalka

Kooxda dekedda oo qaadacday cayaar ka tirsan horyaalka
Kooxda dekedda oo qaadacday cayaar ka tirsan horyaalka

Kooxda Kubadda cagta Dekada ayaa qaadacday in ay ka qaybgasho cayaar ka tirsan horyaalka Soomaaliya, kaddib markii ay ogaatay in lagu sameeyay musuq-maasuq.

Guddoomiyaha kooxda Dekedda Cabdiraxmaan Ismaaciil Maxamed oo maanta la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in aaney ka qaybgali doonin cayarta galabta la yeelan doonaan kooxda Elman.

Wuxuu sheegay oo kale in ay joojiyeen ka qaybgalay cayaaraha horyaalka kubadda cagta isagoona sababta ku sheeegay kaddib markii ay is-daayeen laba kooxood oo ka tirsan kooxaha horyaalka ka qeyb galaaya.

Maamulka kooxda Dekedda waxa ay sheeegen in shalay la daayay kooxda Gaadiidka ka dib markii ay kulan la yeesheen kooxda Jeenyo  maadama Gaadiidka loo badbaadinaayay in ka mid noqoto labada koox ee u laabanaya horyaaka heerka labaad.

Ugu dambeyn guddooniye Cabdiraxmaan ayaa ayaa sheegay in qoraal ay arrintaas uga cabanayaan ay u gudbiyeen xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda.

Waxaa laga cabsi qabaa in kooxda Dekedda ay la kulanto ganaax go’aanka ay qaadatay oogiis.

Horyaalka Soomaaliya ayaa hadda ku dhow dhammaad waxaana ku guuleestay sannadkan kooxda Banaadir Sports Club oo ka mid ah kooxaha ugu adag horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here