Kooxda Barcelona oo xalay la dhadhansiiyey qaraarka guuldarada

Kooxda Barcelona ayaa markoodii labaad laga badiyey kulankoodii 47aad kadib markii ay xalay wada ciyaareen kooxda Osasuna oo ay marti u ahaayeen.

Koox wax la iska weydiin karo ayaaa uu tababaraha ku soo bilaabay garoonka waxayna taasi sababtay in 3gool iyo labo loogaga badiyey ciyaarta oo ka dhacday Estadio Reyna de Navarra

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kooxda Osasuna uu laacibkeeda Dejan Lekic uu goolkii u horeeyey u dhaliyey hase yeeshee goolka ayaa waxaa soo magay Alexis Sanchez.

Kooxda Barca ayaa waxaa garoonka ay ku bilaawday laacibiinta kala ah Sergi Roberto, Pedro iyo Thiago Alcantara iyagoo buuxiyey boosaskii ay ka dheelayeen laacibiinta  Xavi, Andres Iniesta iyo Cesc Fabregas.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kooxda Blaugrana ay garoonka iska maamulanaysay balse kubbada waxa ay geyn kari waayeen meel u dhow shabaqa kooxda Osasuna.

Qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa Guardiola meeshii laga filayay inuu soo geliyo laacibiinta muhiimka u ah kooxda ayuu bedel ku soo galay Isaac Cuenca iyo Tello iyadoo ay fadhiyeen Iniesta,Xavi iyo Febregas.

Ciyaarta ayaa waxa ay ku soo gabagabowday 3-2 oo ay kooxda Osasuna ugu awood sheegatay kooxda haysata horyaalka Spain ee La Ligaha.

Guuldaran ayaa kooxda Barcelona waxa ay ka dambaynaysaa toban dhibcood haddii kulanka caawa ay badiseo kooxda Real Madrid, kooxda Osasuna oo guul layaab leh ka gaartay kulankan iyagoo soo fariistey kaalinta toddobaad ee kala horeynta kooxaha ka ciyaara horyaalka La Ligaha.

 Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.