Kooxda Barcelona oo 4-0 ku xaaqday kooxda Santos kuna guuleysatay koobka Cup of Clup World.

Ciyaarta kama dambaysta ahayd ee koobka Clup of cups   oo ku wada kulmeen kooxaha Barca iyo Santos ayaa ku soo gabagabaowday 4-0 o ay kooxda Barca ku badisey.

Kulan ka dhacay dalka Japan maanta ayaa waxaa ay dhex martay kooxda Santos ee ka dhisan dalka Brazil iyo kooxda Barcelona ee ka dhisan dalka Spain.

Ciyaartan ayaa waxaa 4-0 ku badisey kooxda Barcelona iyadoo afarta gool labo kamid ah uu dhaliyey Lionel Messi,halka Fabregas,Xavi ay min hal gool ka dhaliyeen. Goolka ayaa waxaa daah furay Messi daqiiqadii 17aad,  daqiiqadii 24 aad ayaa xavi dhaliyey goolkii 2aad halka uu Febregas uu saddexeeyey, hase ahaatee waxaa ciyaarta soo qatimay Messi oo goolkii afaraad dhaliyey.

Ciyaartan ayaa waxaa si weyn loo sugayay iyadoo laacibka kooxda Santos ee Nymar u suurtogali weydey inuu gool ka dhaliyo kulankan.

Laacibiinta labada koox ee ay soo safeen.

 Santos: Barbosa, Edu Dracena, Leo, Durval, Bruno Rodrigo, Danilo (Elano 31),  Arouca, Henrique, Ganso (Ibson 83), Borges (Alan Kardec 78), Neymar.

Barcelona: Valdes, Dani Alves, Pique (Mascherano 56),  Puyol (Fontas 85),  Abidal, Xavi, Busquets, Iniesta, Messi, Fabregas, Thiago (Pedro 78).