Kooxda Ac Milan oo xalay Rikoor cusub u dhigtay Horyaalka Talyaaniga

jycfwxxtkvls1la1ax8vcqxb5Kooxda Ac Milan oo xalay Rikoor cusub u dhigtay Horyaalka TalyaanigaKooxda Ac Milan ayaa u muuqata mid kusoo laabatay wadadii Guulaha waxeey hada cadaadis xoogan ku haysaa Kooxda Juventus oo 4 dhibcood ku hogaamineysa Horyaalka Sera A.

Balse arinta xiisaha leh ayaa ah in Kooxda Ac Milan ay xalay ku badisay Safkii ugu da’da yaraa mudo 30 sanadood ah, waxaana ciyaaryahanadii xalay u safnaa ee ka badiyay Emboli celcelis ahaan da’dooda lagu sheegay 23 ilaa 26 jir.

“Waxaan nahay koox adag, isku jir wanaagsan oo ka kooban waaya arag iyo da’ yar, hadda waan fiicannahay, balse waa inaan kasii raynaa,” ayuu yiri 18-jirka khadka dhexe ee Locatelli oo la hadlay Milan TV.

Ac Milan ayaa hada 4 dhibcood ka hooseysa Kooxda Juventus oo maanta la ciyaareysa kooxda Genoa, waxaana hadii Juventus ay badiso kulanka maanta sii dheereysan doontaa Hogaanka.

b8-10-768x432 jycfwxxtkvls1la1ax8vcqxb5 lapadula-cropped_1ex7p6rjeetgl1ghyxlg96qlsr

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here