Kooxda AC Milan oo soo cusbooneysiisey doonitaankeeda Tevez.

Sida ay qoreen wargeysyada talyaaniga kooxda Milan ayaa mar kale dib u bilowday wadahadalada ay kula jiraan kooxda Man City ee Carlos Tevez.

Wadahadaladii hore ayaa waxa ay burbureen jimcihii hore markii labaad oo ay kooxda AC Milan ay si rasmi ah uga codsadeen Man City inay amaah ku siiyaan Tevez, waxayna kooxda la sixiixatay oo ay la soo wareegtey weeraryahanka kooxda Catania ee lopez.

Madaxa ku xigeenka kooxda AC Milan Adriano Galliani ayaa mar walba waxa uu sheegi jirey in ay doonayaan Tevez ama Lopez mid uun, laakiin wargeyska Corriere dello Sport ayaa daabacay Rossoneri in ay diyaar u yihiin in labadooduba ay keenaan kooxda.

Furaha ugu muhiimsan ee labada dhinac ayaa ah €8m oo ganaax ah oo kooxda Milan ay siineyso Manchester Ciy haddii aysan Tevez aysan si joogto ah u wareegsan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee, Madaxa kooxda AC Milan Selvio Berlesconi ayaan ku qanacsanayn doonitaankan waxaana la soo sheegay in Galliani uu la kulmayo maanta si uu uga dhaadhiciyo arrinka.

Manchester City ayaa la sheegay in ay diyaar u tahay in ay amaah ku bixiso Tevez xilli ciyaareedkan iyadoo ay marka uu dhamaado xilliga deynta kooxda AC Milan kula wareegeyso lacag dhan €24m, haddii ay bixin weysana ay ballanqaadeyso lacag dhan €8m oo ganaax ah.

Warkan ayaa imanaya iyadoo la sheegayo in laga yaabo Pipp Inzaghi uu jecel yahay in bisha Janaayo uu ka tago kooxda.

Laacibkan Pippo ayaa  waxaa loo filayay in uu ciyaaro kulanka Lazio isagoo is kululeeyey ciyaartaas.

Inzaghi ayaa waxaa doonaya kooxo ay ka mid yihiin Novara,Siena iyo Bologna.