Kooxaha Real Madrid iyo Galatasaray oo isku dhaggan

Kooxda Real Madrid ayaa u safartay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaana ka maqan Sergio Ramos iyo Xabi Alonso kuwaasoo la ganaaxay ciyaartii toddobaadkii horre ee ku dhammaatay 3-0 lugta hore Champions League quarter-final oo ay la yeesheen Galatasaray.

Sidoo kale macalin Jose Mourinho ayaa isna caawa maqan oo waxaana kal horre la siiyay seddax digniin ciyaartii ka dhacday garoonka Bernabeu.

Dhinaca kooxda Galatasaray , weerar yahankooda Burak Yilmaz ayaa laga ganaaxay kulankan markii loo taagay kaarkii 3-aad ee Jaalo ah isla ciyaartaas.

Maqnaansiyaha Yilmaz, wuxuu noqon lahaa ciyaaryahanka labaad ee ugu gool dhalinta badan tartankan marka laga soo tago xidigga reer Barcelona Lionel Messi.

Kooxda Galatasaray waxa ay ku dedaaleysaa in ay gaarto markii ugu horreysay wareega afaraad ee tartanka kooxaha qaaradda Yurub ee 24-sanno kaddib.

Goolhayaha kooxda Real, Diego Lopez ayaa iska fogeeyay wararka sheegaya in kooxda Spanish-ka laga ciribtiri doono tartanka champions maada seddax gool ay hadda heestaan, iyagoona u socda magaalada Istanbul .

Galatasaray ayaa isku diyaarineysa iyadoo Sabtidii dhawayd ay horiyaalka Turkiga ee Turkish Super Lig, 3-1 ay kaga adkaatay kooxda Mersin IdmanyurduSabtidii todoobaadkan .

Tababare Fatax Terim iayaa sheegay in wax kasta ay isbadal keeni karaan balse iyaga ay rajeenayaan in ay la yimaadaan isbadal.

Si kastaba, Madrid ayaa u safreysa Istanbul iyadoo 5-1 ku xaaqaday kooxda Levante Sabtidii tartanka horiyaalka Spain ee La Liga.

Pepe oo seegi doona kulanka Galatasaray

Pepe ayaa la shaaciyay in uu ka maqnaan doono kulanka caawa ay kooxdiisa la ciyaari doonto Galatasaray waxaa la sheegay in uu dhaawacan yahay.

Sida laga soo xigtay warar hordhac ah oo ay baahisay warbaahinta Spain, ciyaaryahanka reer Portuguese waxaa laga waayay xarunta tababarka, waxaana uu dhaawac ka soo gaaray muruqa, waxaana arrintaas aan soo dhaweyn oo war aan lagu farxin ka soo qaaday macalin Jose Mourinho.

Sidoo kale waxaa kulanka ka maqnaan doona Sergio Ramos oo kulankii horre kaar Jaalo la siiyay, laakin shaqada ugu badan ee difaaca Raul Albiol iyo Raphael Varane kuwaasoo lagu soo billaabi doono.”

Drogba oo sheegay in uu jecel yahay tartanka kooxaha qaaradda Yurub ee Champions League

Weerar yahanka kooxda Galatasaray Didier Drogba ayaa sheegay in uu aad u xiiseenaayo tartanka kooxaha Yurub ee Champions League.

Xidigga reer Ivery Cots ayaa kula guuleestay tartankan kooxda Chelsea sannadkii 2012-ka waxaana caawa ay isku dhaggan yihiin kooxda Spain ee Real Madrid.

Ciyaaryahanka ayaa dhaliyay gool ku laad taasoo ay kooxda u saaragliyay in ay ku guuleesato tartankan.Shanghai Shenhua

Wixii xilligaas ka dambeeyay wuxuu ka aaday kooxda dalka Shiinaha ee

Laakin hadda wuxuu ku soo laabtay tartanka Yurub, wuxuuna u ciyaaraa kooxda Galatasaray oo kal horre seddax iyo 0 looga soo badiyay caasimada dalka Spanish toddobaadkii horre.

“Si gaar ah ayaan xiriir ula lee yahay tartanka Champions League – waxaan sugayaa ciyaarta caawa ,”sidaas waxaa sheegay 35-jirkan oo la hadlay bogga website-ka UEFA.

“Sagaal xilli ciyaareedk ayaa ayaan ka soo qaybgalay tartanka Yurub anigoo ka tirsanaa kooxaha Marseille ama Chelsea, haddana waan ku qanacsanahay in aan dib ugu soo laabto tartanka Champions League,.” ayuu yiri

Ciyaaryahan Drogba, ayaa labo gool u dhaliyay kooxda Galatasaray oo 3-1 ay kaga badiyeen kooxda Mersin Idman Yurdu Sabtidii.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here