Kooxaha gurmadka oo baadi goobaya dadki ka badbaaday dhul gariirki Philippine

Kooxaha gurmadka ee wax badbaadiya ayaa wali baadi goob ugu jiro dhul gariir xoog leh oo shalay ku dhiftay bartamaha dalka Philippine kaasi oo la tagay nolosha dad badan iyo qaar wali la la,yahay.

Tiimamka ka socda Milatariga ayaa wada howlgalo ay ku raadinayaan dad la la,yahay wali, sidoo kale ciidamada booliska ayaa la dhigay magaalooyinka waaweyn si ay uga hortagaan in ay dhacdo bililaqo.

Dadka ayaa dalbanaya gargaar waxaana ay aad u rabaan biyo, teendhooyin iyo raashin.

Dhul gariirki shalay ayaa garaacay magaalada Dumaguete oo 70km dhanka waqooyi kaga beegan Jasiirada Negros , waxaana lixaadkiisa lagu sheegay 6.7 cabarka dhul gariirada.

Dadka ku dhintay ayaa lagu sheegayaa in ku dhawday 10 ruux waxaana ku jira laba caruur ah sida laga soo xigtay dowlada.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.