Kooxaha Elman & Jeenyo oo berri ballansan

Taageerayaasha kubadda Soomaaliya
Taageerayaasha kubadda Soomaaliya

Maalinta berri waxaa magaalada Muqdisho dib uga billaaban doona horiyaalka heerka koobaad ee dalka Soomaaliya, kaasoo ay ka qaybgalayaan ilaa siddeed koox.

Kulankan ayaa la sheegay in uu ka mid yahay kuwa ugu adag horiyaalka kubadda cagta Soomaaliya.

Horiyaalka Sera A-da ayaa maalmahan hakad ku jiray kaddib markii kooxda Qaranka Soomaaliya ay ka qaybgashay cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika oo lagu qabtay magaalada Nairobi.

Horiyaalka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalaya ilaa siddeed koox oo kala ah: Elman, Heegan, Dekedda, Banaadir Sports Club, Jeenyo, Horseed iyo Savaana, waxaana sannadkan markii ugu horreysay 22-sanno kaddib lagu qabtay garoonka Banaadir oo la dhigay cowska macmalka.

Horiyaalka waxaa u soo daawasho taga dad aad u fara badan oo ka yimaada degmooyinka gobalka Banaadir iyo deegannada ku dhowdhow kuwaasoo jecel cayaarta kubadda cagta.

Ra’yigaaga ka soo dhiibo?

 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here