Kooxaha COMSED iyo Elman oo barbardhac galay

Kooxda COMSED oo cayaaro saaxibtinimo u joogta Muqdisho
Kooxda COMSED oo cayaaro saaxibtinimo u joogta Muqdisho

Kooxaha Elman iyo COMSED ayaa galabta cayaar ay ku yeesheen garoonka caalamiga ah ee Koonis, waxa ay ku kala tageen barbar dhac bilaa gool la’aan ah.

Labadan koox oo kala matalayay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo, ayaa waxa ay soo bandhigeen cayaar aad loo jecleestay oo dhammaan dadkii joogay garoonka ay ka maqsuudeen.

Kooxda COMSED waa cayaartii labaad oo ay ku cayaarto magaalada Muqdisho tan iyo markii ay soo gaartay toddobaadkii horre.

Markii ay cayaarta dhammaatay dhammaan cayaartoyda iyo maamulka COMSED waxa ay u mahad celiyeen xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo dhammaan kooxo ka dhisan magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen intii ay joogeen magaalada in si weyn loogu soo dhaweeyay.

Cayaartii galabta waxa cayaarayay tababbaraha kooxda Elman, Yuusuf Sheekh Cali (Yuu Maan), waxaana kooxda ay keyd galisay dhammaan cayaartoydeeda maadama maalinta Jimcaha kulan ay adag ay lee dahay kooxda Banaadir Sports Club.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here