Wariye u Shaqeynayay Idaacad Maxali oo Maanta Lagu Dilay Muqdisho

Kooxa ku hubeysan bastoolado oo aan laga raneynin heybtooda ayaa maanta barqadii ku dilay Degmada yaaqshiid Wariye Xasan Yuusuf Absuge oo ka tirsanaa Radio Maanta lamana garanaayo sababta loo dilay.

Alla ha unaxariistyee Xasan Yuusuf Absuge ayaa rag hubaysan ay ku toogteen gudaha Muqdisho sida uu Warqaad.com usheegay goob jooge aan lahadalnay.

Wariyahan oo katirsnaan jiray Idaacadii GBC ayaa hadda ahaa barnaamij soo saare katirsan Radio Maanta oo kamid ah Idaacadaha kuyaal Magaaladda Muqdisho.

Ragii dilka gaystay ayaa isaga baxsaday halkii dilka uu ka dhacay waxaana haatan gaaray ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo howlgaloo xoogan wada.

Dilkan ayaa kusoo aadaya xili Shabaab ay Sedes Wariye iyo shacab kale xalay ku dileen weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Maqaayad ku dhegan Guriga Hooyooyinka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here