Koox Al Masry oo laba sano ciyaaraha laga joojiyey iyo rabshado ka dilaacay arintaasi oo sababtay dhimasho

Wiil 13 jir ah ayaa ku dhintay magaalada Port Said ee dalka Masar kadib rabshado ka dilaacay go,aan uu xiriirka kubada cakta ku gaaray in kooxda Al Masry ciyaaraha laga joohiyey mudo laba sanadood ah/

Kadib marki ay rabshaduhu bilowdeen xalay, waxaa ay sii baaheen maanta iyadoo ay marki danbana isku dhaceen booliska iyo taageerayaasha kooxda al-Masry.

Al-Masry, oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka Masar ayaa laga joojiyey ciyaaraha mudo laba sana ah kadib marki ay taageerayaasheedu sameeyeen rabshado ay ku dhinteen 74 ruux bishi February ciyaar dhex martay iyaga iyo kooxda Al Ahly.

Wali waxaa ka socda dalka Masar baaritaan la xiriira dadki ku lugta lahaa iyo kuwi soo abaabulay weeraradaasi.

Ganaaxa la saaray Al-Masry ayaa micnihiisu noqonayaa in aysan wax tartan ah ka qeyb gali doonin ilaa iyo sanadka 2013-ka.