Koonfur Afrika oo shaqada ka joojisay saraakiil boolis

Dowladda Koonfur Africa ayaa Jimcihii horre waxa ay shaqo joojin ku sameesay siddeed sarkaal oo boolis ah, kaddib markii uu dhintay nin reer Mozambique oo lagu xiray baabuur isla markaana lagu jiiday waddo mashquul ah.

Arrintan aad ayaa looga carooday dalka Koonfur Africa oo ay ku nool yihiin dad badan oo ah soo galooti kana mid yihiin Soomaalida.

Mido Macia, oo ah 27-jir ayaa maydkiisa laga helay meel bariga kaga aadan magaalada Johannesburg.

Booliska ayaa arrinta baaraya, waxana dalka oo dhan ay ka noqotay mid si wayn loo hadal hayo.

“Waxaan jecelnahay in aan hubanti ka dhigno xaaladda, waayo ma rabno in adduunyada ay noo aragto in dalka uu yahay mid lagu tunto xuquuqda aadanaha,” sidaas waxaa tiri madaxa booliska Riah Phiyega oo shir jaraa’id ku qabtay meel ku dhow goobta uu falka ka dhacay.

Waxa ay kaloo sheegtay in loo qabtay dhacdadaas illaa siddeed sarkaal kuwaasoo shaqada laga joojiyay.

Madaxweyne Jacob Zuma iyo qaar ka mid ah mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay kaddib markiii Talaadadii hore Muuqaalka Vidio ah oo laga duubay dhacdada laga baahiyay Talafishanka iyo warbaahinta dowladda Khamiistii.

Madaxweyne Zuma ayaa yiri ma ahan wax laa qadan karo sida wax ay u dhaceen waa wax aan la aqbali Karin ma rabno in lagu tunto xuquuqda bini’aadamka

Booliska waxa ay warbaahinta u sheegeen Macia in uu sharci daro ku waday wax yaabo la mamnuucay  kaddibna la xiray..

Waa dhacdadii ugu wayneed oo loo tiiruyo booliska dalka Koonfur Africa.

Bishii August ee sannadkii hore ayaa booliska waxa ay toogteen 34-jir macdan qode ah, waa markii ugu horreysay oo falkaas uu dhaco tan iyo1994-kii.

Dalka Koonfur Africa waxaa la sheegay in sannad kasta ay xabsiyada ku dhintaan 1,200 oo qof kuwaasoo ay soo xiraan booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here