Koobka General Daa’uud oo daaha laga rogay

Xiriirka kubadda cagta ee soomaaliyeed ayaa shalay oo isniin ahayd markale daaha karogay koobka Genral Da’uud oo ah koobka labaad ee ugu weyn dalkeena soomaaliya,waxaana ciyaartii ugu horeesay ay dhexmartay naadiyada Elman iyo Dahabshiil,waxaana 4-1 ay guusha ku raacday naadiga Elman.

Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galaya 12 kooxood waxaana cayaartii ugu horeysay ay shalay dhex martay kooxaha Elman iyo Dahabshiil cayaartaas oo ugu dambeyntii kusoo idlaatay 4-1 ay guushu ku raacday naadiga Elman.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble ayaa furitaankii tartankan ka sheegay in xiriirku uu ahmiyad weyn siiyo tartankan oo lagu maamuuso General Daa’uud Cabdulle oo ahaa aas aassihii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

“Horyaalka heerka 1-aad lugtiisii hore way dhamaatay waxaana la geliyay hakad sababtoo ah bisha Ramadaan waxaana dib loo bilaabi doonaa 14-ka September ka horna waxaan qabaneynaa General Daa’uud Cup sida ku cad qorshe howleedka xiriirka”ayuu yiri guddoomiye Cali Siciid Guuleed.

Kooxda Elman waxaa sadex gool u dhaliyay ciyaaryahanka la yiraahdo Maxamed Nuur cabdi daqiiqadihii 3-aad, 7-aad iyo 56-aad halka goolka afaraadna uu u dhaliyay Cabdullaahi Yuusuf Cusmaan daqiiqadii 24-aad ee qeybta hore ee cayaarta,

Kooxda Dahabshiil goolka keliya waxaa u dhaliyay ciyaaryahanka la yiraahdo Khaladiin Maxamed cabdulqaadir daqiiqadii 40-aad ee qeybta hore ee cayaarta

Intii ay socotay cayaartii shalay waxaa calaamado kala duwan la siiyay ciyaartoyda magacyadoodu hoos ku cad yihiin

 

Xiriirka Soomaliyeed ee Kubadda Cagta

Jadwalka Tartanka Koobka Jeneral Daa’uud – 2011/2012

A B C D

Elman Sahafi Heegan Banadir S. C.

Dahab Shiil SomaliFruit` Badbaado LL. PP.

Jamhuuriya Bariga Dhexe Gasco Qodxaaley

Wareegga 1aad
M/N Maalinta Taariikhda Qeybta Kooxah Wada Ciyaarayo Garoonka Saacadda
01 Isniin 20/08/2012

A
Elman Vs D/Shiil Jamacada 03:30 Pm
02 Talaado 21/08/2012

B
Sahafi Vs SomaliFriut Jamacada 03:30 Pm
03 Arbaco 22/08/2012

C
Heegan Vs Badbaado Jamacada 03:30 Pm
04 Khamiis 23/08/2012

D
B. S. C. Vs LL. PP. Jamacada 03:30 Pm
05 Jimco 24/08/2012

A
D/Shiil Vs Jamhuuriya Jamacada 03:30 Pm
06 Sabti 25/08/2012

B
SomaliFriut Vs B/Dhgexe Jamacada 03:30 Pm
07 Axad 26/08/2012

C
Badbaado Vs Gasco Jamacada 03:30 Pm
08 Isniin 27/08/2012

D
LL. PP. Vs Qodxaaley Jamacada 03:30 Pm
09 Talaado 28/08/2012

A
Jamhuuriya Vs Elman Jamacada 03:30 Pm
10 Arbaco 29/08/2012

B
B/Dhgexe Vs Sahafi Jamacada 03:30 Pm
11 Khamiis 30/08/2012

C
Gasco Vs Heegan Jamacada 03:30 Pm
12 Jimco 31/08/2012

D
Qodxaaley Vs B. S. C. Jamacada 03:30 Pm

Wareega 2aad
M/N Maalinta Taariikhda Kooxah Wada Ciyaarayo Garoonka Saacadda
13 Isniin 03/09/2012 A1 Vs C 2 Jamacada 03:30 Pm
14 Talaado 04/09/2012 B 1 Vs D 1 Jamacada 03:30 Pm
15 Khamiis 06/09/2012 C 1 Vs A 2 Jamacada 03:30 Pm
16 Jimco 07/09/2012 D 1 Vs B 2 Jamacada 03:30 Pm

Semi Final
M/N Maalinta Taariikhda Kooxah Wada Ciyaarayo Garoonka Saacadda
17 Isniin 10/09/2012 WMN. 13 Vs WMN. 14 Jamacada 03:30 Pm
18 Talaado 11/09/2012 WMN. 15 Vs WMN. 16 Jamacada 03:30 Pm

Final
M/N Maalinta Taariikhda Kooxah Wada Ciyaarayo Garoonka Saacadda
19 21/09/2012 WMN 17 Vs WMN 18 Jamacada 03:30 Pm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here