Banaadir & Gaadidka oo ku ballansan Gen Daa’uud

Jeenyo & Dekedda oo ku balsan Koonis
Koobka Gen Daa’uud oo galabta la cayaarayo

Kulan ka tirsan koobka Gen Daa’uud ayaa galabta oo Axad ah lagu cayaari doonaa garoonka Koonis ee degmada Cabdicasiis.

Kulanka waxaa uu dhex mari doonaa kooxaha Banaadir Sports Club iyo Gaadidka.

Kooxda Banaadir Sports Club waa kooxda difaacaneysa koobkan oo xilli cayaareedkii horre ay ka qaaday kooxda Badbaado ee heerka labaad.

Labada koox oo ka tirsan horyaalka heerka koowaad ee dalka, ayaa waxaa u cayaara minn afar cayaartooy oo ajaaniib ah kuwaasoo u badan Kenyan. waxaana kulankooda uu yahay mid adag sidda ay lee yihiin wariyaasha cayaaraha ka faalooda.

Koobka Gen Daa’uud ayaa dhawaan dib loo dhigay sidda lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Koobka Gen Daa’uud ayaa la cayaaraa maalmaha Axadda iyo Arbacada

Natiijadan cayaartan kala soco bogga Midnimo.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here