Kolonyo uu la socday Madaxweynaha Somalia oo lagu weeraray deegaanka Calamada

Gaadiid kolonya ah oo uu la socday madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa galabta lagu weeraray deegaanka Calamada oo u dhaxeeya degmada Afgooye iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Sh/hoose.

Xarakada Al Shabab ayaa wadada u gashay gaadiidkaan oo si saf ah u marayey wadada laamiga ah kadib marki uu madaxweynaha kasoo laabtay degmada Afgooye oo uu booqasho ku tagay.

Rasaas kala duwan ayey is weydaarsadeen ciidamada galbinayey madaxweyanaha ee Amisom iyo kuwa dowlada iyo dagaalyahanada Al Shabaab iyadoo la sheegayo in weerarkaasi uu sababay dhaawac soo gaaray labada dhinac.

Wariyaasha la socday madaxweynaha oo ka mid ahaa kolonyada ayaa sheegay in ay arkeen qaar ka mid ah ciidamada oo dhaawacmay, sidoo kalana dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ahaa afhayeenka Ahlu Sunna ee Yurub Maxamed Xuseen Owliyo.

Ma jirin wax dhibaato ah oo kasoo gaartay madaxweynaha weerarkaasi, isaga oo si nabad ah kusoo gaaray isla galabta magaalada Muqdisho.

Saraakiisha dowlada ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen 4 ka mid ah kooxihi weerarka ku qaaday kolonyada madaxweyanaha.

Booqashadi uu madaxweynaha ku tagay maanta degmada Afgooye ayaa aheyd mid kadis ah, waxaana hadal uu ka jeediyey beerta Sheekh Zayid ee degmada Afgooye ku sheegay in ay ugu danbeysay sanadki 2006 markaas oo uu madax u ahaa urukii Maxaakiimta Islaamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in Al Shabaab ay ka xoreeyeen Afgooye sida uu hadalka u dhigay.

“Farxad ayey inoo tahay in aan maanta Afgooye joogno, waxaan arintaasi uga mahad celinayaa ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM oo ka xoreeyey cadawgi joogay halkaan, kaliyah ma ahan Afgooye ee wadanka oo dhan ayaan rabnaa in aan ka xoreyno,” ayuu yiri.

Sheekh Shariif ayaa tagay buundada Afgooye isaga oo ku lugeeyey qeybo ka mid ah magaalada, waxa kale oo uu booqday xarumaha ciidamada la dajiyey isaga oo kulamo la qaatay saraakiisha.

Hadal dhawaan kasoo baxay Al Shabaab waxaa lagu sheegay in lagu weeraray kolonyo galbineysya Madaxweyne Sharif inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.