Kolonyo uu la socday madaxweynaha oo lagu weeraray inta u dhaxeyso Balcad iyo Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday kolonyo siday madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed xilli uu kasoo socday degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe halkaas oo uu ku tagay booqasho kadis ah.

Dagaalyahano sida la sheegay ka tirsan Al Shabaab ayaa weerartay kolonyada oo ay ku jireen baabuurta gaashaaman ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa (AMISOM) iyo baabuurta loo yaqaano Cabdi Bilaha ee dowlada.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in weerarkaasi aysan ka dhalan wax qasaara ah, iyaga oo intaasi ku daray in ay qabteen ragi weerarkaasi fuliyey.

Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo iminka, balse weerarkaan oo kale ayaa horaantii bishaan loogu geystay Sheekh Shariif inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye kaasi oo ay sheegteen Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.